Wasaaradda Biyaha oo Mishiin ku Wareejisay Riiga Lughaya
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee wasarada horumarinta biyaha Somaliland Nafiisa Maxamuud Shirwac ayaa gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo isuduwaha wasaaradda biyaha gobolka Awdal ku wareejisay mishiin loogu talagalay Riiga biyaha ee degaanka karuura ee degmada Lug-haya.
Riiga deegaanka karuure ayaa mudo badan aan shaqayn kadib markii ay cilad farsamo soo foodsaartay mishiinkii hore ee biyaha kasoo tuuri jiray ceelkaasi.
Balse dadaal badan oo ay sameyeen wasaaradu biyaha iyo badhasaabka Gobolka awdal ayaa maanta lagu guulaystay sidii mishiinkaasi loo gaadhsiin lahaa ceelkaasi.