Wasaaradda Caafimaadka oo Dib u Habeyn ku Samaysay Rugta Caafimaadka Fadhigaab
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa dib u habayn iyo ballaadhin ku sameysay xarunta hooyada iyo dhallaanka degaanka Fadhi-gaab ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista iyo qalabaynta iyo casriyaynta adeeg bixinta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Fadhi-gaab waxa ka soo qayb galay isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag, maamulka degaanka Fadhigaab iyo degmada Gar-adag iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Care iyo marti shafar kale, kaas oo ay balaadhintiisa iska kaashanayaan wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Care.
Qaybaha kala duwan ee bulsha weynta magaalada Fadhi-gaab, ayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Care uga mahadnaqay balaadhinta iyo casriyaynta lagu sameyay adeeg bixinta caafimaad ee xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degaankaasi.
Gaba-gabadii masuuliyiinta caafimaadka degmada Gar-adag iyo isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sanaag, ayaa ku dheeraday muhiimada ay balaadhinta iyo casriyaynta lagu sameyay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degaanka Fadhi-gaab ay u leedahay bulshada, waxaaney xuseen inay kaga baaqsan doonaan safaradii ay ugeli jireen helitaanka adeeg bixin caafimaad oo dhammeystiran, waxaaney intaas raaciyeen in qorshaha wasaaraddu uu yahay balaadhinta adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka JSL.