Wasaaradda Daakhiliga oo ka Furtay Hargeysa Tabobarka Nabadda

Hargeysa (Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacada Hargeisa, gaar ahaana Mac-hadka Nabada iyo Lafagurka khilaafka (IPCS) ayaa Tababar ku saabsan dhismaha nabadda, adkaynta Nabadgalyada, xallinta khilaafaadka, sida loo xaliyo isku dhacyada bulshada ugu soo gebagabeeyey magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. qaar ka mid ah Guddiyada Nabadda, Odayaasha Dhaqanka, dhallinyarada, iyo haweenka ayaa Tababarkani ugu socdey mudo 6 Cisho, kaasoo maanta soo dhamaaday.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqanka, Nabada iyo siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mustafe Ismail Abdi ayaa si wada jir ah u soo xidhay Tababarkan.