Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa digniin adag ka soo saartay qiime-kordhin ay ganacsatadu si wadajir ah ugu heshiiyaan, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ka hor iman karto xeerarka tartanka xorta ah, cid kasta oo ku kacdana laga qaadi karo tallaabo sharci ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa sheegay in inkasta oo dagaallada iyo xiisadaha Bariga Dhexe ay saameeyeen isu-socodka badeecadaha iyo kharashaadka maraakiibta, haddana duruufahaas aan loo adeegsan karin in si aan waafaqsanayn sharciga loogu kordhiyo qiimaha badeecadaha iyo adeegyada.

Wasaaraddu waxay si gaar ah uga digtay ururrada warshadaha laydhka, roodhida iyo kaalmaha shidaalka, iyadoo sheegtay in aanay ururradu awood u lahayn inay si wadajir ah u go’aamiyaan qiime cusub, maadaama suuqu ku dhisan yahay tartan xor ah.

Waaxda La-dagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah ayaa la faray inay xoojiso kormeerka suuqa iyo la socodka tallaabooyinka ganacsi ee xeerarka ka hor iman kara, si loo ilaaliyo tartanka iyo danaha macaamiisha.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ugu dambayn ganacsatada iyo ururradooda uga digtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo samaysa qiime-kordhin ama qiime-jaris wadajir ah oo aan waafaqsanayn sharciga.