Wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland ayaa soo bandhigtay caddaymo muuqda oo ay doonayso in lagu soo afjaro arrinka la xidhiidha qoysas laga raray agagarka guriga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, kaas oo hadal hayn dhaliyey maalmihii la soo dhaafay.
Agaasimaha waaxda dhulka ee Wasaaradda Hawl Guud Somaliland Xamse Maxamed Faarax ayaa Warbaahinta la wadaagay dhammaanba xogta la xidhiidha arrimaha dhulka dadka laga raray sida uu soo bandhiggay.
Ugu horrayn agaasimuhu waxa uu sheegay in dadkaas dhulka ka hor intaan laga rarin lala wadaagay xogta dhulka oo markiii horeba ahaa dhul dawladeed, ka dibna la siiyey dhul ay iyagu lee yihiin sidoo kalena loogu daray 30 kun oo Dollar oo guuritaan ah.
Sababo la xidhiidha amniga madaxweynaha ayaa dadkan looga beddelay halkii ay degganayeen waxana agaasimuhu caddeeyey in dadkaas la siiyey dhulkii ay xaqa u lahaayeen.





