Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Tababar u Furtay 60 Sarkaal oo ka Tirsan Ciidamada

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Warsame Xasan ayaa tabobar u furay 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland.

Tabobarkan oo ujeedadiisu ahayd sidii looga faa’iidaysan lahaa tiknoolajiyada casriga ah ayaa waxa ugu horayn madashii lagu furaayey ka hadashay Agaasimaha xarunta Hal-abuurka ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Suleekha Isxaaq Cumar,waxaanay tilmaantay in ciidamadan tabobarkan qaadanayaa ay yihiin qaybtii saddexaad,iyada oo cadaysay in maanta ay Tiknoolajiyadu qayb ka tahay awoodda adduunka laysu adeegsado,layskuna muquuniyo.

Waxa isna halkaas ka hadlay Hoggaanka Tabobarada ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir,waxaanu usoo jeediyay ciidamada tabobarka qaadanaayey in ay ka faa’iidaystaan aqoonta Tiknoolajiyadeed ee ay tabobarkeeda qaadanayaan,isla markaana ay ummada reer Somalilandna uga faa’iideeyaan oo ugu shaqeeyaan.

Ugu dambayn waxa halkaas hadal ka jeediyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Yuusuf Warsame Xasan,waxa aanu sheegay in ay marwalba xoogga saarayaan tabobarada dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee ciidamada Qaranka,madaama oo ay Ciidamada Qaranku yihiin laf-dhabartii uu Qaranku ku taagnaa.