Wasiir Cali Mareexaan oo ka Hadlay Heshiiska Somaliland la Gashay Itoobiya

Hargeysa(Qarannews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” ayaa degelka uu ku leeyahay shabakada X ee hore loo odhan jiray Twitter wuxuu si kooban ugaga hadlay is fahamka taariikhiga ah ee ay maanta wada gaadheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha dawladda Itoobiya Aby Axmed.

Qoraalka Wasiirka oo aanu idiin soo turjunay ayaa u dhignaa sidan:-

Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale.

Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya.