Wasiir Cali Xoor-xoor oo Dadweynaha u soo Bandhigay Xeer ay u Sameynayaan Shaqaalaha Rayidka


Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska -JSL, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradddu ayaa daah-furay kulan bulshadda lagula tashanayay, oo ku saabsanaa Qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Maamulka Shaqalaaha Ajaanibka ah.
Kulankan ayaa waxa furitaankiisii ka soo qayb-galay Taliyaha Ciidanka Socdaalka & Illaaladda Xuduudaha JSL & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.

kulankan waxa sidoo kale qayb ka ahaa masโ€™uuliyiin metalayay in ka badan 65 goobood oo shaqo, Ururadda Shaqalaaha & Saraakiil ka socday Ciidanka Socdaalka.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd in bulshadu ay ku darsadaan afkaartooda qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyaha oo muddo dheer ay Wasaaraddu ka shaqaynaysay.
Ugu dambayntiina, waxa uu kulanku ku soo af-meermay guul & midha-dhal buuxa.