Wasiir Cali Xoor Xoor oo la Kulmay Hay’adaha Khayriga ah
Hargeysa(Qaran news)Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa maanta kulan saacado qaatay la galay badiba hay,addaha khayriga ah ee dalka ka shaqeeya.
Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd dardargalinta hawlaha la xidhiidha Arrimaha Bulshada iyo daryeelka dadka nugul.
Mudadii kulanku socday ayaa warbixin lagaga dhegaystay hay,addaha ka shaqeeya arrimaha khayriga.