Wasiir Cali Xoorxoor oo ka Qaybgalay Kulan dib loogu eegayay Hawlqabadyadii Arrimaha Carruurta

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) ayaa ka qaybgalay kulan ay goobjoog ka ahaayeen badiba daneeyayaasha arrimaha carruurta.

Ujeeddada kulanka oo ahaa dib u eegista hawl qabadyadii Arrimaha Caruurta ee sanadka 2023, iyo waxyaabihi ka qabsoomay, dhanka kale waxaa kulankaa goob joog ahaa saraakiil ka socotay xafiiska hay,adda caalamiga ah ee arrimaha caruurta ee UNICEF.

Muddadii kulankaasi socdayna waxaa diirrada lagu saarayey arrimaha mudnaanta u leh guud ahaanba caruurta, qorshayaasha lagu garab istaagayo iyo sidii hay,add waliba uso bandhigi lahayd duurka ay ka qaadatay dadaalada la xidhiidha arrimaha carruurta.