Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waraabka iyo Horumarinta Dhul-hoose ee Itoobiya Dr. Berhanu Lenjiso, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray
Wasiiru-dawlaha Itoobiya ee Waraabka iyo Horumarinta Dhulka Hoose, Dr. Berhanu Lenjiso, ayaa hambalyo u diray shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, kaddib markii aay Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.
Wasiirku wuxuu Somaliland ugu yeeray Jamhuuriyad madax-bannaan, isaga oo muujiyey in dunidu bilowday inay dhegaysato rabitaanka Somaliland ee qaranimo. Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda xoojinta iskaashiga Itoobiya iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaale ee magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.
Farriintan ayaa loo arkay mid muujinaysa taageero siyaasadeed iyo mid goboleed, isla markaana iftiiminaysa tallaabada cusub ee aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.
Sidaa u dabacay wargeyska Ethiopia Insider
ዝርዝር ዘገባውን ለማንበብ ➡️ https://ethiopiainsider.com/2025/16930/






