Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Muuse Biixi Maxamed Yusuf Cilmi ayaa gabi ahaanba iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda sii socota ee Muuse Biixi waxana uu ku biiray xisbiga Waddani

Wasiirkan xilka iska casilay waxa uu hordhac u yahay tiro badan oo.masuuliyiin ah oo xilka iskaga dego doona ayaamaha fooda inagu soo haya.

Waxana la filiyaa in ayaamaha soo socda uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr Cabdiraxmaan Saylaci uu la hadli doono warbaahinta iyada oo lagu wado in uu taageero u muujiyo xisbiga Waddani