Wasiir ku-xigeenka Beeraha JSL Oo Soo Xidhay Tababbar 3 Maalmood Ka Socday Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Beeraha
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mukhtaar Xaaji Muxumed Faara, ayaa soo xidhay Tababbar xarunta Wasaaradda Beeraha ee Hargeysa ka socday saddexdii maalmood ee u dambeeyay.
Tababbarkan oo ay ka qayb-qaateen madax-qaybeedyada waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Beeraha, ayaa ku saabsanaa hawl-gelinta siyaasadda sugidda cuntada (Food Security Policy Operationalization) oo dhawaan la soo gunaanaday.
Xidhitaanka Tababbarka waxa ugu horrayn ka hadlay Xidhiidhiyaha (Project Coordinator) Mr. C/Qani Xasan Cabdi, waxa uu ugu horaytii u mahad-celiyay madaxda wasaaradda horumarinta beeraha ugu horeeyo wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha oo si wanaagsan ula socday marxaladihii ay soo martay siyaasadda sugidda cuntadu
Xidhiidhiyuhu wuxuu kula dardaarmay ka qayb-galeyaashu in aqoonta ay ka heleen Tababbarka inay u gudbiyaan hawl-wadeenada aan fursadda u helin inay ka qayb-qaataan.
Cabdiqani Xasan waxa kale oo uu sheegay in Hay’adda WFP oo Wasaaradda Beeraha ka taageertay mashruucani aanay halkaa kaga hadhayn, balse ay dedaalkeeda sii wadayso illaa inta siyaasadda sugidda cuntada qaran ahaan loo dhaqan-gelinayo.
Munaasibadda Tababbarka lagu soo xidhay oo ay sidoo kale ka hadleen Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Maroodi-Jeex Khadar Maxamed Ibraahim, Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo ka mid ah khuburrada Wasaaradda Beeraha ee siyaasaddan ka qayb-qaatay, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.
Wasiir Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ayaa xidhiidhiyaha Mashruuca Cabdiqani Xasan ku bogaadiyey dedaalka iyo wakhtiga uu galiyey hirgelinta siyaasadda sugidda cuntada
Wasiir ku-xigeenku waxa uu kula dardaarmay xubnaha ka qayb-galay inay aqoonta ay barteen ay Wasaaradda Beeraha iyo guud ahaan Qaranka ugu adeegaan.
Ugu dambayn, Wasiir ku-xigeenka ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey ka qayb-galayaashii Tababbarka, halka xidhiidhiyaha mashruuca Cabdiqani Xasan uu shahaado mahad-celin ah guddoonsiiyey Wasiir ku-xigeenka Beeraha Prof. Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland