Wasiir Siciid Sulub oo ku Eedeeyay Soomaaliya inay ku lug Leedahay Joojinta Dhoofka Xoolaha Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii Somaliland ee u dhoofi jiray dalkeeda.

Wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Jidda ay xooluhu ku istaageen.
Waxaanu yidhi.”Hakadku xaga Jidda ayuu ka yimid, xooluhu dalal badan ayay u dhoofaan, dalalkaas oo dhan way u furan yihiin, wayna hagaagaysa haddii Ilaahay yidhaahdo, mana raagayso”

Wasiirka oo ka warbixiyay sababta loo joojiyay dhoofka xoolaha Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan ku leedahay joojintooda, balse uu ka howlgali doono xal u helisteeda.

Xoolaha ayaa ah mid kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay dadka reer Somaliland dakhliga ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa isla markaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda Berbera.

Dowladda Sacuudiga ayaa marar kala duwan joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, isla markaana xukuumadda Somaliland.