Wefti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa maanta gaadhay magaalada Jerusalem ee caasimadda dalka Israel
Wasiirka iyo weftigiisa waxaa qaabilaad heerkeedu sareeyo loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Jerusalem.
Socdaalka weftigan ayaa la xidhiidha diyaarinta iyo gogol-xaadhka booqasho rasmi ah oo la filayo inuu maalmaha soo socda ku tago Israa’iil Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland.
Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay qayb ka tahay xoojinta xidhiidhka iskaashi iyo wada-shaqayneed ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro lagu wado muddada uu ku sugan yahay Jerusalem inuu si rasmi ah xadhiga uga jaro dhisme cusub oo casri ah oo loo dhisay Safaaradda Somaliland ku leedahay Israa’iil.
Dhismahan cusub ayaa la sheegay inuu noqon doono xarun muhiim u ah hawlaha diblomaasiyadeed iyo xidhiidhka labada dhinac.
Booqashadan iyo kulamada la qorsheeyey ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey yeeshay iskaashi muuqda oo dhinacyo badan taabanaya.
Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay xubin ka ah ee aqoonsi caalami ah siisay Jamhuuriyadda Somaliland dabayaaqadii sannadkii tegay ee 2025kii.
Post Views: 100





