Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa soo gebogabeeyey shirka nabadaynta Samawade ee ka socday deegaanka Geerisa ee gobolka Awdal, kaas oo lagu meel mariyey heshiis iyo qodobbo lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha laba beelood oo walaalo ah kadib wada-hadallo socday muddo saddex maalmood ah.

Shirka ayaa waxa hoggaaminayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyadoo ay kala shaqaynayeen Guddiga Nabadaynta ee Golaha Guurtida, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Tiknoolajiyada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Macdanta iyo Tamarta, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka iyo masuuliyiinta gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil.

Qoddobada laga soo saaray shirka ayaa waxa si wadajir ah u ansixiyey Golaha Guurtida iyo ergadii ka socotay labada beelood ee gogosha nabadda la isugu keenay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in xukuumaddu fulin doonto wixii lagu heshiiyey, isla markaana si adag loola tacaali doono cid kasta oo jebisa ama carqaladeysa heshiiska.

Cuqaal iyo waxgarad ka socday labada beelood ayaa dhinacooda ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey iyo adkaynta nabadda.

Shirka nabadaynta Samawade ayaa ugu dambayn lagu soo xidhay jawi deggan, iyadoo laga muujiyey rejo ku wajahan in heshiiskaasi saldhig u noqdo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda deegaanka Gobollada galbeedka Somaliland.