Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Masuuliin ka socdey Hay’adda Adam Smith, waxayna ka wada hadleen Wada shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL iyo Hay’adda Adam Smith, in la sii xoojiyo iskaashiga, sida mashaariicda.