Wasiirka Beeraha Oo Guddoomiyey Shir Khuseeya Mashaariicda Baanka Adduunku Ku Taageero Somaliland Oo Ka Dhacay Xafiiskiisa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Maxamuud Cige Yuusuf oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Cumar Shucayb, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda deeganka iyo la-taliyaha Madaxweynaha JSL ee dhaqaalaha Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir ka yeeshay mashaariicda horumarineed ee baanka Adduunku ka taageero JSL.
Si gaar ah, waxay madaxdu uga wada-hadleen mashruuca FSRP oo uu baanka Adduunku ka taageeray Somaliland, waxaana sida hawshiisu u socoto u faahfaahiyey xidhiidhiyaha Mashruuca FSRP Kayse Axmed Maxamed (Jeelle).
Mashruuca FSRP oo baanka Adduunku ka taageeray Somaliland, ayaa waxa ka wada shaqeeya Wasaaradaha beeraha, xanaanada xoolaha & deegaanka.
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland





