Wasiirka Beeraha oo la Kulmay Hay’adaha Samofalka
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Maxamed (Habane) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley hay’addaha caalamiga iyo kuwa waddaniga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.
Kulankan ayaa mudadii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa wado shaqeynta ka dhaxeysa hay’addaha iyo wasaaradda horumarinta beeraha, iyadoo xiligan Ayax uu ka dilaacay meelo ka mid ah Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland.
Kulankan waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Mudane Maxamuud Warsame Jamac, agaasimaha guud ee Wasaraddaas Prof Aadan Sheekh Cabdillaahi Muuse iyo qaar ka mid ah agaasi waaxeedada wasaaraddaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaraddaas Aadan Sheikh Cabdillaahi Muuse, ayaa uga mahadnaqay madaxda ka socotay hay’adda caalamiga iyo kuwa waddaniga ah wada shaqaynta ay wasaaradda la leeyihiin iyo sida ay u soo ajiibeen yeedhmadii loo diray, waxaanu kula dardarmey in doorkooda ka qaataan la dagaalanka Ayaxa inta aanu ku sii baahin Gobollada iyo Degmooyinka kale ee Dalka.
Gaba-gabadii Wasiirka Wasaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Habane), ayaa hay’addaha ka codsaday inay joogteeyaan kulamadda noocani ah laguna horumarinaayo xidhiidhka wado shaqeyneed wasaraddaasi, hay-addahaas iyo daneeyayaasha horumarinta Beeraha Somaliland.