Wasiirka Biyaha oo Kormeeray Wakaaladda Biyaha Berbera
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka hor-u-marinta Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa booqasho shaqo ku tegay wakaaladda biyaha ee magaalada Berbera.
Waxa wasiirka ku soo dhaweeyay xarunta wakaalada biyaha ee magaalada Berbera mas’uuliyiinta wakaalada Biyaha ee magaalada Berbera,isaga oo kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee wakaaladda biyaha ee magaalada Berbera,waxa aanay warbixin ka siiyeen sida ay wakaaladu u shaqayso.
Maareeyaha wakaalada biyaha magalaada Berbera Khadar Siciid Axmed ayaa wasiirka warbixin ka siiyay habka ay wakaaladu u shaqayso iyo qaybaha ay ka kooban tahay,waxaanu tilmaamay in shaqada wakaalada biyaha ee Berbera ay tahay mid joogto ah oo aan xili lahayn,iyada oo ay shaqaalaha wakaalada biyaha ee Berbera shaqeeyaan habeen iyo maalinba.
Waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), waxa aannu uga mahadceliyey shaqaalaha wakaalada biyaha ee magaalada Berbera shaqada ay shacabka magaalada Berbera u hayaan,isaga oo sheegay in mashruucii ugu dambeeyay ee dhanka hor-u-marinta biyaha oo maalintii shalay ahayd laga dhagax dhigay magaalada Berbera uu magaalada siin doono biyo badan.