Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Taiwan

Hargaysa(Qaran)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Masuuliyiin ka Socotay Safaaradda dalka Taiwan, Kulankan ayaa waxaa Wasiirka Ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasime Ku-xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargaysa Dr-Cadnaan Cabdoo.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Waftigan oo uu horkacayo Safiirka Safaaradda dalka Taiwan Mr Allen luu iyo Masuuliyiin sarsare oo ka socotay Dalka Taiwan.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskula eegi lahaa meelna lays kula dhigi lahaa balaadhin iyo cusboonaysiin lagu samaynayo Cisbitaalka guud ee Magaalada hargaysa oo ay inaga caawin doonaan dalka aynu saaxiibka nahay ee Taiwan.