Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula qaatay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar.

Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga caafimaad ee u dhexeeya labada dhinac, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha caafimaadka bulshada, la-dagaallanka iyo ka hortagga cudurrada ka gudba xuduudaha, iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan wada shaqeyn joogto ah oo wax ku ool ah.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in iskaashiga caafimaad ee Somaliland iyo Itoobiya uu muhiim u yahay bulshada labada dhinac, maadaama cudurrada qaar aysan xuduud lahayn. Waxa uu xusay in wada shaqeyntu ay sahli doonto in si hufan loo maareeyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxana uu carabka ku adkeeyey in labada dal ay si dhow uga wada shaqayn doonaan xoojinta adeegyada caafimaadka iyo ka hortagga xanuunada halista ah ee bulshada saameeya.