Wasiirka Ciyaaraha oo la Kulmay Masuuliyiinta Ha’yadda Shaqaalaha
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL – Civil Service Commission .
Kulankan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin , agaasimaha waaxda ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf, , agaasimaha waaxda horumarinta garoomada Maxamuud Xasan Cabdillaahi Qodax, masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax iyo Agaasimaha Guud Khaalid Mire Nuux.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo diyaarin lahaa gunaanadka tartanka hay’addaha Dawladda oo marxaladii udambeysey maraysa, iyada oo laysla afgartay in laga dhigo ciyaarta gunaanadka ee udhaxaysa kooxda Wasaaradda Biyaha JSL Iyo kooxda Hay’adda shaqaalaha Dawladda 19bishan oo ku beegan maalin Axad ah.
Halka ciyaarta lagu tartamaayo kaalinta 3aad iyo 4aad ee u dhaxaysa Wasaaradda Warfaafinta JSL Iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL la ciyaari doono 18bishan oo ku beegan maalin sabti ah.