Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Jigjiga kaga Qaybgalay Furitaanka Tartan loo qabtay 12 Kooxood

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa ka qayb galay Munaasibadda Furitaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Horyaalka 6da Maamul Magaalo iyo 2da Jaamacadood.
Waxa Wasiirka ku soo dhaweeyey Munaasibadda Furitaanka tartankan, Wasiirka Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee DDS, Maxamed Mahdi Aadan.
Wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax oo maalmahan Safar Shaqo ku joogay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxa Safarkiisa ku wehelinayay Tababare Jaamac Maxamuud Aadan (Jaamac Karaaciin) iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan WDH & Ciyaaraha JSL.