Wasiirka cusub ee Diinta oo kulankiisii koowaad la yeeshay Wasaaradiisa

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Maanta kulankiisii u horeeyay la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kullanka oo Isugu Jirey is barasho iyo is xog-waraysi waxa Goob Joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Aadan Cabdilaahi Cabdulle oo ugu horeyn isagu kulankaasi Furey .
Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Hadalka isaga dambeeyay ayaa Wasiirka Cusub kusoo Dhoweeyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ,waxaanay Balan-qaadeen in ay si wanaagsan ula shaqayn Doonaan Wasiirka .

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo isna Kulankaas ka hadlay ayaa Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradaba uga mahad-naqay Hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan.
waxaanu Wasiirku kula dar-daarmay in ay sii laban-laabaan hawlaha Qaranka si Loo Kobciyo Xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay Bulshada Somaliland .