Wasiirka Daakhiliga oo Amaanay Kartida Ciudamada Qaranka

Oog(Qaran news)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ammaanay ciidamada Qaranka oo uu ku tilmaamay qaar anshax iyo xero joog leh.

Wasiir Maxamed Kaahin oo maanta Oog kula hadlay kumanaan askari oo ka soo aflaxay xeryaha tabobarka, wuxuu sheegay in caalamku qiray adkaysiga ciidamada qaranka oo joogto u jooga xeryahooda, islamarkaana ah ciidan adag marka uu waajibkiisa shaqo gudanayo.

Wasiirka Daakhiligu wuxuu ciidanka cusub u soo jeediyay inay fuliyaan awaamiirta madaxdoodu soo siisay ee la xidhiidha difaaca dalka.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu uga warramay ciidankaas sida shacbi weynaha Somaliland hiil iyo taageeraba ula garab taagan yihiin ciidamada Qaranka.