Burco(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaqaalaysiiyey Hamda Cafli Nuur oo aabeheed Alle ha u naxariistee Cali Nuur ku geeryooday Hoolka Jaamacada Burco oo ay ka socotey Munaasibadda qalinjebinta ee maanta.

Wasiirku wuxuu Tacsi u diray Xamda iyo guud ahaanba ehelkii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Aabo Cali Nuur, oo saaka inantiisa kala soo qaybgalay farxada qalinjebinta balse xaqii u yimi.

Guud ahaanba wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kafaale qaaday oo shaqaalaysiiyey Xamda, waxbarasho kale wixii ay u baahatona bixin doona.

Geerida Aabo Cali Nuur ayaa ahayd mid siweyn looga wada naxay isla markaana markaliya bedeshay munaasibadii qalinjabinta Jaamacada Burco.