Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Soo Gebo-gabeeyay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Tog-Wajaale

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa maanta soo gebo-gabeeyay tartanka Qur’aanka kariimka Bisha Barakaysan Ramadaan ee Degmada Tog-Wajaale oo markii ugu horeysey la qabtay, waxana tartankaas soo qaban qaabiyey Dallada UMMAH oo kaashanaysa Dawlada hoose iyo Ganacsatada Degmada Tog-Wajaale .

Ugu Horeyn waxa munaasibadaas ka hadlay Gudoomiyaha Dallada UMMAH oo ah Dallad ay ku midaysan yihiin madaariista Degmada Tog-Wajaale ,waxaanu sharaxaad ka bixiyey maraaxilkii u soo maray tartankani oo markii ugu horeysay la qabtay iyo weliba tirada madaariista ku tartantay .

Inta kadibna waxa hadalka isaga kala dambeeyay Masuuliyiin ,waayeel ,waxgarad iyo marti Sharaf kale oo dhamaantood hoosta ka xariiqay in ay ka qayb qaadanayaan dedaal kasta oo kor loogu qaadayo Kitaabka ALLE iyo Sunnada.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo Munaasibadaas soo Gebo-gabeeyay ayaa ugu horeyn Dallada UMMAH iyo cid kasta ka qayb qaadatay in tartankani qabsoomo uga mahadnaqay dedaalka iyo Juhdiga ay ku bixiyeen ,waxaanu Wasiirku sidoo kale u mahadnaqay Arday Guulaysatay ,Waalidiintii kusoo Tabcay iyo Macalimiintii wax soo bartayba .

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanay Guul daraysan Ummadaha isu kaashada kor u qaadka Kitaabka ALLE iyo Sunnada.

Halkan kala soco Khudbada Wasiirka oo Dhammaystiran .