Addis Ababa,(Qaran news)-Alemu Sime, Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, ayaa maanta u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee 01-kii January ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland โuu ka dhabayn doono doonista Itoobiya ee ah helitaanka marin-badeedka badda.โ
Wasiir Alemu ayaa hadalkaan ka sheegay kalfadhiga 30-aad ee golaha shacabka isagoo soo bandhigay warbixintii waxqabadka sagaalka bilood ee wasaaradda ee sanadka 2023-24.