Wasiirka Isgaadhsiinta Masuul ka Socday Hay’ad u Dooda Xuquuqda Aadanaha
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknaloojiyada JSL Dr. Axmed Yuusuf Idiris oo uu weheliyo la taliyihiisa Mudane Cabdi Xuseen ayaa maanta xurunta Wasaaradaasi ku soo dhaweeyey Mudane Richard Job Mutua, oo ah Madaxa hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Organisation for Transparency Advocacy Uganda & Panafricanist.
Mas’uulkan ayaa booqasho indho-indhayn ku tagay xaruunta Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknaloojiyada JSL Dr Axmed Yusuf Idiris iyo
Madaxa hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Organisation for Transparency Advocacy Uganda & Panafricanist Richard Job ayaa ka wadda hadlay sidii ay wada shaqayn fiicani u dhex mari lahayd.
Waxaa kale oo uu Wasiirku ku soo dhaweeyay imaatinkiisa Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ku boorriyay in wixii wanaag ah ee uu indhihiisa ku arko dunnida gaadhsiiyo.
Sidoo kale Richard Job Mutua oo ah madaxa hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Organisation for Transparency Advocacy Uganda & Panafricanist ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somaliland, isagoo xusay in horumarka iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland ay waajib kaga dhigayso dalalka Afrika iyo caalamkuba inay aqoonsadaan Somaliland.