Wasiirka arimaha dibadda oo la Kulmay Danjireyaasha Fadhigoodu yahay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda *Dr. Ciise Kayd Maxamuud* ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safaaradaha wadamada shisheeye ee deggan magaaladda Hargeysa ee caasimadda JSL.

Wasiirka ayaa uga xog-warramay is-afgaradkii dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga federaalka itoobiya, dilalka siyaasadeed ee dadka reer Somaliland lagu beegsaday ee ka dhacay Soomaaliya, walaaca ay Somaliland ka qabto Heshiiska Difaac ee Turkiga iyo wadanka aynu jaarka nahay ee Somalia, iyo doorashooyinka soo socda ee Xisbiyadda iyo Madaxtooyadda JSL.

Kulanka waxa wasiirka ku wehelinayey, Wasiir Ku-xigeenka WAD&IC ah, marwo Rooda Jama Elmi iyo Agaasimaha guud mudane Ahmed Abokor Mohamed.

Kulankan ayaa ahaa kii joogtadda ahaa ee WAD&IC ahi ay xog-warranka ku siin jirtay safiirada iyo dibloomaasiyiinta dalalka shisheeye ee wadanka ka hawlgala.