Wasiirka Maalgashiga oo la Kulmay Bangiyada Gaarka ah

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL Mudane Cabdirisaq Ibraahim Maxamed Waxa uu Xafiiskiisa Ku qaabilay masuuliyiinta Ururka ay ku midoobeen Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Kulankaa oo ujeedkiisu daarnaa isbarasho wasiirka iyo masuuliyiinta ururka bangiyada.

Waxa sidoo kale ku wehelinayey kulanka Ku Simaha agaasimaha Guud ee wasaradda Horumarinta Maalgashiga & Warshadaha ahna agaasimaha waaxaha qorshaynta & Agaasimaha iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka ah, iyo horumarinta mashaariicda.

Kulanka waxa la iskula qaatay in wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo ururka bangiyada lasii xoojiyo.
Sidoo kalena lasii joogteeyo kulamadan oo xidhiidh joogta ah lala yeesho.