Wasiirka Maaliyada oo sheegay inuu xidhmay ganacsigii Itoobiya uga Tagay Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in uu xidhmay suuqii ganacsi ee Itoobiya uga tagi jiray Somaliland.
Sidoo kale waxa uu xusay uu meesha ka baxay suuqii ganacsi ee Somaliland ay ka qaadan jireen degaanada bariga.
Dr. Sacad ayaa tilmaamay in suuqyada ganacsi ee xidhmay ay keenen hoos u dhac dhaqaale.
Geesta kale waxa uu ka hadlay dhaqaalaha arrimaha doorashooyinka iyo arrimo kale.
Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay mar uu saaka hor tagey guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland.