Wasiirka Maaliyadda oo Hortagay Guddida Dabogalka Hantida Qaranka
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta hortagey guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland.
Guddoomiyaha guddida dabagalka iyo illaalinta hantida Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, Xildhibaan Mustafe Khayreeye, ayaa sheegay in ay wasiirka maaliyadda ka wada hadleen xisaab xidhkii sannadkii 2022-kii, kaasi oo guddida dabagalku gacanta ku hayso, waxaanu intaas ku daray in ay sidoo kale ka wareysteen xaalada guud ee dhaqaale ee dalka iyo waxyaabihii ay uga baahnaayeen wasaaraddaasi.
Dhanka kale waxa uu sheegay in nuxurka warbixinta wasiirka iyo masuuliyiinta la socday ay la wadaagi doonaan golahooda.
Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen guddida dabagalka su’aalo la xidhiidha arrimaha maaliyadda, dhaqaalaha, miisaaniyada iyo qodobo kale wax laga weydiiyay isla markaana ay uga jawaabeen siwaafiya.