Wasiirka Qorshaynta oo la Kulmay Shaqaalaha Waaxaha

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay uu weheliyo Agaasimaha guud ayaa kulamo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta iyo shaqaalaha waaxda Qorshaynta iyo xarunta Maaraynta xogta dhulka iyo biyaha ee IMC.

Ujeedka kulamadan ka duwan ee ay madaxda wasaaraddu la yeesheen Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo mashaariicda ay maamusho ayaa ah sidii loo xoojin lahaa isla markaana loo dar der galin lahaa shaqooyinka ay qabtaan.

Agaasimaha Xarunta maaraynta xogta dhulka iyo biyaha ayaa waxaa uu madaxda u soo bandhigay ujeedada loogu talo galay xaruntan maaraynta xogta dhulka iyo biyaha, waxqabadka xarunta ee sanadkii 2023 iyo qorshaha ay ku hawl gali doonaan sanadka 2024.

Dhanka kale waxaa uu wasiirku kulan la yeeshay Agaasimaha iyo shaqaalaha ka hawl gala waaxda Qorshaynta ee WQHQ, waxaana warbixin ku saabsan waaxda iyo shaqada ay qaranka uga masuul tahay, wax qabadka sanadkii 2023 iyo qorshe hawleedka sanadka 2024 halkaasi ku soo bandhigay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.