Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo ka Hadlay Dagaalkii shalay
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Qorshaynta Qaranka JSL, Mudane Axmed Aadan Buuxane ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Sool, waxaanu sheegay in hoggaanka ciidanka Qaranka Somaliland yihiin kuwa kartideeda iyo dadaalkeedaba leh culayskasta oo soowajaha.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay been abuur yihiin, waxaanu intaas raaciyay in aanu Qaranka JSL ahayn mid loo baqo.
Dhanka kale waxa uu bulshada ka codsaday in la sugo dowladda iyo xukuumadda waxaanu xusay in hadda dib u habayn ciidan socoto, waxaanu soojeediyay in laga waantoobo wararka aan la hubbin ee been abuurka.