๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ค๐ผ๐ฟ๐๐ต๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ ๐ธ๐๐น๐บ๐ฎ๐ ๐ช๐ฒ๐ณ๐๐ถ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฆ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐๐ถ๐๐๐ฒ๐ฟ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ.







Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, oo ay weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wefti heer sare ah oo ka socday Safaaradda Switzerland ee Bariga Afrika.
Weftigan oo uu hoggaaminayay ๐๐ฒ๐ป๐๐๐ฒ ๐๐ผ๐ฏ๐, Madaxa Barnaamijyada Caafimaadka ee Safaaradda Switzerland u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa socdaalkooda ku salaysnaa xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dawlada Somaliland iyo Safaaradda.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay xubnaha weftiga siiyeen warbixin dhamaystiran oo ku saabsan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad ( NDPIII), iyo mudnaanta baahiyaha horumarineed ee ka jira deegaanada Somaliland.
Waxay sidoo kale kala hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhanka horumarka ee Dowladda Somaliland iyo Dowladda Switzerland, gaar ahaan dhinacyada horumarka caafimaadka, adeegyada bulshada, iyo mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah bulshada.
Dhankooda, xubnaha weftiga ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ay Safaaradda Switzerland ka wado Somaliland, iyaga oo si gaar ah u iftiimiyay barnaamijyada caafimaadka ee socda iyo fursadaha lagu ballaadhin karo taageerada mustaqbalka.
Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan sii xoojinta wadashaqaynta labada dhinac si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo qorsheyaasha horumarineed ee dalka.





