WASIIRKA WASAARADDA HORUMARINTA CAAFIMAADKA JSL OO KULAN LA QAATAY MADAXDA DP WORLD IYO DP WORLD FOUNDATION

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan ballaadhan la qaatay madaxda shirkadda DP World iyo hay’adda DP World Foundation.

Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinaysay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka ayaa madaxda DP World iyo DP World Foundation warbixin faahfaahsan ka siiyey siyaasadaha iyo qorshayaasha qaranka ee ku wajahan horumarinta caafimaadka, heerka ay marayaan dadaallada socda iyo mudnaanta Wasaaraddu u dejisay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee lagu xoojinayo wada shaqaynta hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah, si loo helo iskaashi wax ku-ool ah oo gacan ka geysta horumarinta nidaamka caafimaadka iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.