Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada Oo Furay Shir ku Wajahan Xoojinta Xidhiidhka Wasaaradiisu la leedahay Hay’adda FAO

Hargeysa(Qaran news)Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) uuna wehelinaayo Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa maanta Furay, kulan Daaran Xoojinta iyo wada-shaqaynta Wasaaradda Iyo Hay,adda FAO

Kulan ayaa intii lagu jiray aad loogu lafa-guray sidii looga taageeri lahaa Wasaaradda xoojinta arrimaha daryeelka bulshada iyo shaqada, waxaana dhankooda goob joog ka ahaa madaxda kala duwan ee hay,adda FAO.

Ugu danbayna kulankaa ayaa kuso dhamaaday jawi wada shaqayneed iyo dardar gelin hawlaha sare ku xusan.