Wasiir Cali Xoor Xoor oo soo Xidhay Tababar muhiima oo lagu Qabtay Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska – JSL, Mudane Cali Cumar Maxamed [Xoor-xoor] ayaa waxa uu soo xidhay tababar muddo saddex maalmoodda Saraakiil ka mid ah Wasaaradda uga socday Maansoor Hotel, Hargeysa.
Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaaradda & Hayโadda Socdaalka Adduunka [IOM – UN Migration] Xafiiskeedda Hargeysa, waxaanna ujeedadiisu ahayd in la dhiso aqoonta Saraakiisha ee la xidhiidha maammulka xogta shaqaallaha Ajaanibka ah & in la xakameeyo saamaynta tabban ee ay shaqaallahaasi ahi ku yeellan karraan suuqeenna shaqadda.
Wasiirka ayaa ugu dambayntii la dar-daarmay Saraakiisha uu tababarku u dhamaaday, waxa aannu ku boorriyay in aqoonta ay korodhsaddeen ay ugu addeegaan bulshaddooda, isla markaana ay kor ugu qaaddaan habka ay u shaqeeyaan, iyagga oo is waafajinaya aqoontii ay korodhsaddeen & waaqaca shaqadda. Waxaannu ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay u dhamaystirteen aqoon-korodhsigaasi.