Wasiirka Waxbaradda oo Masuuliyiin kala Duwan kula Kulmay Nairobi
Hargeysa(Qaran news)-Waftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee uu hogaaminayay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo uu weheliye Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, Danjire Sharmarke Geele ayaa maanta kulamo la yeeshay laamaha ka qayb qaata horumarinta Waxbarashada ee ku Sugan Kenya kuwaasi oo ay ka mid yihiin
1. Xafiiska Afrikada Bari, Koonfureed, Waqooyi iyo Bariga Dhexe ee Hayadda Plan International
2. Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka ee Nayroobi (United States International University) iyo
3. Shirkadda KL ee samaysa tablets cadceeda ku shaqeeya oo casharradda loogu shubayo ardayda reer guuraaga iyo dhaqato beeralayda filiqsan.
Dhinacyadu waxay si wadajir ah isula Jeex jeexeen Xoojinta iskaashigooda ku wajahan horumarinta waxbarashadda Somaliland iyo Doorka ay ka qaadanayaan Hayadaha Horumarinta Waxbarashadu Sidii Dawlada Somaliland taageero Joogto ah ay uga siin lahaayeen Dedaalada Ay Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto La dagaalanka Jahliga iyo Kor u qaadida Adeegyada Waxbarasho ee Dalka.