Wasiirka Waxbarashada oo Nairibi kula Shiray Qaadhaan-bixiyeyaasha
Hargeysa(Qaran news)-Weftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo saynisku Somaliland ee uu hogaaminayay wasiirka Waxbarashada Somaliland ee hawlaha shaqo ku joogay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa kulamo la qaatay deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka waxbarashadda.
Weftigu waxay Mas’uuliyiintii ay la kulmeen ay la wadaageen qorshaha horumarinta waxbarashadda iyo mudnaanta Somaliland ee 5 sano ee soo socota.
Weftigan ka socda Wasaaradda waxbarashada Somaliland waxay hay’adihii ay la kulmeen ka mid ahaa, Xafiiska Midowga Yurub oo sidoo kale ah xidhiidhiyaha barnaamijka Horumarinta Waxbarashadda Adduunka loo yaqaano GPE, Hayadda Maraykanka u qaabilsan taageeradda caalamiga ah ee loo gaabiyo USAID, Baanka Adduunka (World Bank), Laanta dalka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta dibadda iyo barwaaqo sooranka, Safaaradda Denmarka oo waftigu kala hadlay taageerada DANIDA ee waxbarashadda Somaliland
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno waxay maalmaha soo socda sii wadi doonaan hawlaha shaqo ee ay dalka Kenya u joogaan.