Wasiirka Wershadaha oo la Kulmay Maalgashato
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-wayne oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefti maalgashadayaal ah oo ka socday Shirkada Ashour Group of companies Dubai.
Ujeeddada kulanka ayaa diirada lagu saaray qodoobadan:
1.Soo dhaweyn iyo Isbarasho .
2. Soo bandhigidda xogta kheryraadka dihin ee dhulkeena ee u baaahan in la maalgashado
3. Xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Maalgashadayaasha shisheeye.