Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo Ambo-bixiyay Kooxo Caafimaad

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, ayaa xarunta wasaaraddaas ka ambabixiyey kooxo dhakhaatiir ah oo ka hawlgeli doona daaweynta iyo daryeelka xoolaha.

Dhakhaatiirtan ayaa muddo toban cisho ah daaweyn doona xoolaha daweynta iyo nafaqaynta u baahan ee ku nool gobolladda iyo degmooyinka dalka Somaliland,.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadinta Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiqani Xaamud Cawaale, ayaa tilmaamay in goboladda Maalinta berri ah laga wada bilaabi doono daaweyntii joogtada ahayd.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Dr Axmed Cali Maax, ayaa sheegay in dhakhaatiirta ka qayb qaadan doonta daweynta iyo nafaqaynta xooluhu ay tiro ahaan dhan yihiin 160 dhakhtar, waxaanu xoolaha dhaqata ka codsaday inay ka faa’ieystaan.
Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in dhakhaatiirtani ay daaweyn u sameyn doonaan, xoolo gaadhaaya 500,000 oo neef, iyada oo ay ka faa’idaysan doonaan 25,000 oo qoys, waxaana la daaweyn doonaa 55,000 oo neef.
Wasiir Sulub waxa uu sheegay in dhakhaatiirta kala duwan iyo kalkaaliyeyaalba ay Barnaamijkan ka qayb geli doonaan, iyaga oo adeegsanaaya gawaadhi gaadhaysa 40 gaadiid ah.