Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo la Kulmay iskuduweyaashs Wasaaradiisa

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa xafiiskiisa kulan shaqo kula qaatay Isuduwayaasha Gobolada dalka ee Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrmaha Dastuurka JSL Wasiirku wuxuu Isuduwayaasha ka dhagaystay Warbixino iyo qorshahooda heer Gobal, Kulankuna wuxuu kuso dhamaday jawi wanaagsan.
Wasiirka Waxaa Kulanka ku weheliyay Agaasimaha Guud Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Gobolada Axmed Aadan Tubeec, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada Maxamud Jaamac Maxamud
Xafiiska Xidhiidhka Dad-weynaha iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.