Wasiirkii Is Casilay ee Gaashaandhiga oo Taageero Ballaadhan ka helay Shacbiga Somaliland
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo xalay iska casilay xilkii, kadib markii uu ka biyo diiday heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.
Ra’yulcaamka bulshada Somaliland ee ku dhaqan Saylac, Borama. Lughaya, Hargeysa Burco, Ceerigaabo qaarkood ayaa taageero u muujiyay kuna difeeyay halyey qaran oo kursigiisa u banneeyay rabitaanka bulshada reer Somaliland iyo deegaannada uu ka soo jeedo.
Dadka taageerada u muujiyay ayaa aaminsan inuu muujiyay dhiiranaan iyo geesinimo ay yar tahay in qof xilkaas hayaa jagadiisa ku beddesho doonista dadkiisa taasi oo uu ka doorbiday in uu xilkii uu hayay uga tago dareenkiisa muwaadinimo
Waxa kaloo dadkaasi ay qabaan inuu yahay Wasiir Cabdiqani uu leeyahay mustaqbal siyaasadeed oo uu door ka qaadan karto siyaasadda dalka marka uu waddanka ka dhaco isbeddel siyaasadeed ama mustaqbalka noqon kara madaxda dalka ugu saraysa