Wasiirrada Xukuumadda Jadwal kaltan ah ugu jira in maalinba Mid hadlo oo mucaaradka u jawaabo tan iyo 13-kii November.

imika imisa hadlay, yaase u horreeyey, yaa maanta u lahaa, yaa berri u leh
Wasiirrada ilaa imika hadlay
1. Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin
2. Wasiirka Horumarinta Kalluumaysiga iyo Xanaannada Xoolaha, Siciid Sulub
3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Cabdillaahi Abokor
4. Wasiirka Waxbarashada Axmed Toorno
5. Wasiirka Beeraha Cabdiqaadir Iimaan
6. Wasiirka Qorsheynta Axmed Buuxane
7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolijyada
8. Wasiirka Caafimaadka Xasan Gaadhaafi oo maanta kaltankiisii ahayd
Waxa xusid mudan In Wasiirrada hadallo kala duwan oo iska soo horjeeda ay sheegeen, kuwa ayaa sheegay In Madaxweynuhu dhamaysanayo muddo xilkeedka loo kordhiyey ee laba sanno ah, halka kuwo kale sheegeen in Sagaal bilood lagu qabanayo doorashooyinka. Qaar ayaa sheegay in albaabkoodu furan tahay oo wada hadal diyaar u yihiin, halka mid kale sheegay In albaabka Wada hadalladu xidhan yihiin, ilaa Mucaaradku ka noqonayaan go’amaadii ay soo saareen 13 November.
Hadallada Wasiirrada Xukuumadda ayaa ku sii beegmaya xilli muddooyinkii u dambeeyey taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku dhaliilayeen Wasiirrada Xukuumadda kuwa karti badan lahayn oo aan difaaci karin Madaxweynaha siyaasaddiisa.
Kuma berri u leh ayey kula tahay?