Wax ka ogow 4-magaalo oo Waaweyn oo ka sii guuraya Gawaadhida oo ka doorbiday lugta & baaskeelka

.

Markii mowjaddii ugu horreysay ee Covid dhacday, gudaha magaalooyin badan ayaa si dhaqso ah uga fikiray sida noloshu noqon karto.

Qaarkood waxay soo kordhiyeen jidad loogu talagalay dadka lugeynaya, meelihii baabuurta la dhigayayna maqaayado ayaa loo baddalay halka sare loo qaaday waddooyin badan oo baaskiilka loogu talagalay.

Isbeddelku wuxuu keenay faa’iidooyin, kaliya maahan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha oo kordhay, laakiin daraasaduhu waxay sidoo kale muujiyeen in fayrasku si degdeg aan ahayn ugu faafayay xaafadaha ay dadku aad ugu badan yihiin.

In kasta oo meelo badan ay hadda dib u dhigeen qorshayaashan iyada oo noloshu ay ku soo noqonayso si caadi ah, hadana waxaa magaalooyinka qaar oo weli sii wata qorshayaasha yareynta isticmaalka gaawrida.

Waxaan eegaynaa afar magaalo oo sameeyay qaar ka mid ah isbeddellada ugu fiican ee la xiriira goobaha dadka ay ku lugeeyaan.

Paris, Faransiiska

.

Xitaa musiibada ka hor, Paris waxay dabayaaqadii 2016 hirgelisay deegaan ku habboon lugaynta. Iyada oo qayb ka ah dadaallada magaalada ee lagu dhimayo tirada baabuurta, iyo yareynta baarkinnada baabuurta ku teedsan webiga Seine.

Sanadka 2020, duqa magaalada ayaa Anne Hidalgo dib loogu doortay jagada iyadoo ay ugu wacan tahay waxa loogu yeeray qorshaha “15-ka daqiiqo ee magaalada”: Fikradda qorshaas  cusub ayaa u oggolaanaya dadka deegaanka inay qabsadaan dhammaan hawlahooda maalinlaha ah – laga soo bilaabo dukaamaysiga, iskuulka ilaa shaqada keliya 15 daqiiqo guduhood iyagoo isticmaalaya baaskiil ama lugtooda maalaya.

“Waxaan ku noolaa Paris 14 sano, waxaanan si kalsooni leh u dhihi karaa weligay ma arag dib u habeyn ka weyn qorshahaasi lagu dhiirrigenayo baaskiilleyda,” Sadie Sumner, oo maamula laanta Paris ee shirkadda baaskiilka ee Fat ayaa sidaasi yiri.

Bogotá, Colombia

.

Halka markii horeba magaalada Bogotá iyo guud ahaan Kolombiya ay lahayd dhaqan adag oo baaskiilka, ayaa haddana Faafida Covid_19 ka dib waxa ay dardargelisay isbeddello badan si loo yareeyo isticmaalka baabuurta.

Sanadkii 2020, duqa magaalada Claudia Lopez ayaa 84 km oo waddooyin dheeri ah ku dartay magaalada taas oo loogu talagalay baaskiilada.

Bogotá waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ugu horreeyay ee adduunka ee lagu daro dariiqyo dheeraad ah oo loogu talagalay dadka iyo baskiillada intii lagu jiro faafidda fayraska corona, dadka degganna waxay ogaadeen in isbeddellada joogtada ahi ay u wanaagsan yihiin.

Milan, Talyaaniga

.

Talyaanigu wuxuu ka mid ahaa waddamada uu sida aadka ah u saameeyay faafitaanka Covid_19, magaalooyinkiisuna waxay ahayd inay si degdeg ah ula qabsadaan si ay u helaan habab kale oo dadkii gaadiidka dadweynaha adeegsan jiray ay ay isticmaali karaan dad badan.

Xagaagii 2020, Milan waxa ay billowday qorshe ay ku doonayso in ay ku balaariso waddooyinkeeda gaar ahaan dariiqyada baaskiilka, kuwaas oo wadar ahaan gaarayaa 35 kiiloomitir oo markii baabuurta adeegsan jireen.

Isbeddellada ayaa beddelay magaalada. “Ma ahan Milaanadii aan arki jiray 10 sano ka hor intii aan ku jiray jaamacadda,” ayay tiri Luisa Favaretto, oo ah aasaasaha website-ka Strategistico.

San Francisco, USA

.

Magaaladan waqooyiga California ku taalla waxay qaadday tallaabo degdeg ah intii lagu jiray masiibadii ugu horreysay ee ‘Covid_19’, iyadoo billowday barnaamij la yirahdo ‘Slow Streets’ oo ah – barnaamij isticmaalay calaamado dadka lugeeynaya looga khafiifinayo taraafikada iyo xawaaraha gawaarida kaas oo ku dhawaad ​​​​30 waddo laga hirgaliyay.

Sida lagu sheegay xogta ay magaalada ka soo aruurisay barnaamijkan waxaa 50% hoos u dhacay xawaaraha iyo ciriiriga gaadiidka,waxaa sidoo kale kordhay 17% dadka lugeynaya,halka 65% ay kordheen darawalada baaskiillada.