Wax ka ogow saliidaha cuntada lagu karsado ee ugu caafimaadka badan

Saliid

 

Saliidda cunnada lagu kariyo ayaa ah mid si wayn dunida looga isticmaalo.

Balse noocyada kala duwan ee saliidaha la isticmaalo ayaa waxaa laga hayaa macluumaad ku saabsan in ay qaarkood keenaan cayil iyo caafimaad darro.

Marka goobaha bakhaarrada ee saliidaha cunnada laga iibsado aad tagto ayaa waxaa yaalla noocyada kala duwan ee saliidda sida saliid caddeyda, saliidda qumbaha, tan afakaadhada iyo saliidda lowska laga sameeyo.

Haddaba saliidahani tee ayaa ugu fiican in la isticmaalo, mase jiraan kuwo ay tahay in aad iska dhaafto gabi ahaanba?

Waxaa saliidaha qaar lagu gartaa dufan badan, iyo in dadka qaar ay cayil badan ka qaadaan.

Qumbo

Saliidda Qumbaha

Dufanta dhexdhexaadka ah ee ku jirta saliida Qumbada waxay si toos ah ugu dhacaan xidddada dhiigga waxaan loo isticmaalaa in qofka ay tamar siiso.

Sanooyinkii u dambeeyay saliidda qumbaha oo ku dhowaad 90% aan dufan lahayn ayaa noqotay mid si wayn loo isticmaalo.

Waxaa lagu ammaanay in ay tahay saliid aad u wanaagsan oo aan keeneyn cayil islamarkaana laga helo tamar.

Balse mid ka mid ah cilmi-baarayaasha jaamacadda Harvard ayaa ku tilmaamay” sun saafi ah ”.

Dufanku waxay ka ciyaaraan door muhiim ah, labadaba cunto karinta maalinlaha ah iyo qayb ka mid ah cunto caafimaad leh.

Saliidda saytuunka

Saliid saytuun

Saliidda cuntada nooca loo yaqaanno saliid saytuunta waxaa hore loo ogaaday faa’idooyiinka badan ee ay caafimaadka u leedahay.

Waxaa ka mid ah faa’iidooyiinka ay caafimaadka u leedahay in qofka ay ka difaacdo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo in ay yareyso halista qofka in ay ku dhacdo xanuunka macaanka nooca 2. Waxaa la sheegay in Saliid saytuunka ay u adkeysato isbaddallada badan ee dhaca inta cunnada la karinayo.

Saliidda rapeseed

Saliidda rapeseed

Saliiddani waxay ka kooban tahay kala bar dufanka buuxa ee saliidda saytuunka, waxay qani ku tahay nafaqada loo yaqaanno oleic acid, waxayna leedahay saami wanaagsan oo ah omega-6 ilaa omega-3 fatty acids

Saliiddan ayaa sidoo kale leh heerka ugu sarreeya ee polyphenol ee saliidda abuurka, inkastoo ay xusid mudan tahay in tayada saliidda ay saameeyaan dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin goosashada, kaydinta iyo habka soo saarista.

Waddamada qaarkood, ereyga rapeseed oil waxaa loo adeegsadaa nooca saliidda loo isticmaalo warshadaha.

Saliidda lowska

Saliidda lowska

Sidoo kale waxaa saliiddan loo yaqaan saliidda lawska, ay leedahay dhadhan khafiif ah. Waxaa ku badan maaddada oleic acid, islmarkana habka wanaagsan ee loo sifeeyay ayaa ah mid laga helo fitamiin E.

Saliidda afakaadhada

Afokaadho

Saliidda afakaadhada, laga soo billaabo miraha geedka ayaa waxaa badanaa la barbar dhigaa saliidda saytuunka.

Waxay si gaar ah hodan ugu tahay maaddada oleic acid. Waxaa jira daraasado badan oo muujinaya faa’iidooyinkeeda caafimaad, oo ay ka mid tahay caafimaadka wadnaha.

Waxaa sidoo kale jirta waxyaabo badan oo ay saliidda afakaadhada dheer tahay saliidaha kale ee la sifeeyay. Gabagabadii isticmaal saliid adiga kugu habboon ama leh islamarkana u wanaagsan cunnada markaas la karinayso.

Hubi inaad ku kaydiso saliidda meel qabow oo qalallan, oo aan qorraxdu toos ugu dhacayn islamarkana ku keydi oo ku shub dhalo badalkii aad ku keydin lahayd caag, waana in aad isticmaashaa saliid aad u yar.

Subagga

Subag

Subaggu waxaa la sheegaa inuu yahay dufan wanaagsan. Daraasado lagu sameeyay waxaa lagu sheegay inuu ku wanaagsan yahay in cuntada lagu karsado, iyo in wax shiilidda xitaa loo adeegsna karo.

Si kastaba, wax dubidda ayuu ku sii wanaagsan yahay maaddaama uu leeyahay, dhadhan gaar ah. Balse dadka ay dhibayaan maaddooyinka caanaha laga helo ayaa lagula talinayaa inay ka taxadaraan.

Saliid macsarada

macsaro

Saliid macsarada inta badan waxaa aad looga isticmaalaa Soomaaliya iyo dalalka Aasiya, iyadoo loo adeegsado wax karinta.

Waxaa laga soo saaraa miraha sisinta oo la miiro.

Macsarada waxay qani ku tahay maaddooyin u fiican jirka waxaan aka buuxa fitamiinno.