“Wax kasta oo ASAL ah inuu najaxay iyo in aanu najixin miisaanka ugu wayn ee minqiyaaska lagu saara waxa weeye midhadhalka faraciisa. Haddaba siyaasiga Cabdiraxmaan Cirro oo murashax Madaxweyne u sharaxan, ahna aasaasaha Xisbiga Waddani bal hadda faraciisa aynu eegno muddadii Xisbiga hoggaaminaayay.
5-sanno isagoo jiray Xisbiga Waddani doorashadii kobaad ee uu galo codkii bulshada wuxuu helay %42, doorashadii ku xigtay wuxuu noqoday Xisbigii ugu Xildhibaanada badna saddexdii Xisbi ee tartanka galay, taas oo ka dhigtay Xisbigii ugu horreeyay ee isagoo Mucaarid ah ka Xildhibaano bata Xisbul Xaakimkii, sidoo kale Maayaradii 4-magaalo lixda Gobol oo caasimaddu ku jirto ayuu ku guulaystay. Faraca Xisbiga Waddani ee tariikhda Somaliland galay waxa baarka sare kaga jira laba Murashax oo Gole degaan iyo Golaha Wakiilda u kala sharaxna ayuu Cabdiracmaan Cirro safka hore keenay waxayna noqdeen labadii Musharax ee tariikhda Somaliland hore iyo danbayso ugu codka bata. (Maayar Moogge iyo Mp Barkhad Batuun).
Layaabka buugga dhacdooyinka Somaliland waxa galay horrena aan u dhicin in aasaasihii Xisbiga oo aha Guddoomiyihii Xisbiga uu jagadaas uga dego saxiibkii Xirsi, taasi yaab wayn ma ahayn waxaase masraxa siyaasadda Somaliland gilgilay ilaa haddana dawakhii arrintaas ka dhashay gaar ahaan Xisbiga Kulmiye ka dawakhay markii jagada Guddoomiyaha oo ahayd mida ugu shilis ee Xisbi laga qabto uu Cabdiraxmaan Cirro wareejiyay isagoo aan noqon Madaxweyne. Waana dhaqan cusub oo faraca Xisbiga Waddani aanay ciddi uga horrayn.
Siyaasiga midhadhalka heerarkaas ah
ASAL-kii uu aasaasay faraciisu noqday ma la odhan kara hadu hoggaamiyo Somaliland dhinac kasta oo bahiyeed wuu dhoobaqaadi kara??.
Tusan.
Muniir Axmed Cigaal.”
May be an image of 2 people, people standing and outdoors